LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Shub oo soo hadlay, Faah-faahina ka bixiyay duqeyntii lala beegsaday

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii lagu beegsaday gurigiisa ee ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Taliye Shub ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gurigiisa ay fulisay diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, isagoo si adag u diiday wararkii kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in qaraxu ka dhashay walxo qarxa oo gudaha guriga lagu farsameynayay.

Wuxuu sheegay inuusan aqoon u lahayn farsamaynta qaraxyada, isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay xiriir la leedahay dad uu sheegay inay horey ugu lug lahaayeen sameynta qaraxyada.

Dhanka kale, Taliye Shub ayaa si kulul uga hadlay dagaalladii iyo duqeymaha ka dhacay Baydhaba, isagoo dhaliil adag u jeediyay dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadallada Taliye Shub ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin eedeymo is-daba-joog ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay duqeyntii Dooloow. Dowladda Federaalka ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka, halka maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyo kale ay ku adkeysanayaan in guriga si toos ah loo bartilmaameedsaday.

Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *