LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Madaxweyne Laftagareen oo dhisay Xukuumad cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirrada maamulkiisa, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo loollanka awoodda ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Magacaabistan ayaa timid kaddib markii maamulka fadhigiisu yahay Baydhabo uu sameeyay guddi dib-u-heshiisiin ah oo uu sheegay inuu ka shaqeynayo xal u helidda xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Warqadaha magacaabista ee kasoo baxay maamulka Laftagareen ayaa lagu magacaabay:
- Xasan Cabdqaadir Maxamed — Wasiirka Amniga Gudaha
- Xasan Cabdinuur Albaro — Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
- Xasan Cabdi Maxamed — Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta
- Mustaf Axmed Iidow — Wasiirka Qorsheynta, Iskaashiga iyo Maalgashiga
- Maxamed Yuusuf Cali — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
- Maxamed Ibraahim Cali — Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
- Macallin Aadan Cali Arbow — Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
- Ilyaas Cali Nuur — Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
- Ibraahim Aadan Cali Najax — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
- Cabdi Axmed Qaasim — Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska
Magacaabista ayaa xoojinaysa qaab-dhismeedka maamulka Laftagareen, iyadoo labada dhinac ay weli sheeganayaan inay yihiin maamulka sharciyeysan ee Koonfur Galbeed.









