Shiinaha oo farriin hanjabaad ah u diray Somaliland kadib hadalkii Cirro…

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay warqad rasmi ah oo ay si adag ugu cambaareynayso hadalladii uu dhowaan dalka Mareykanka ka sheegay hoggaamiyaha gobolka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), kuwaas oo ku saabsanaa arrimaha Taiwan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay qodobada ugu waaweyn ee hoos ku xusan:
Safaaraddu waxay sheegtay in tallaabada maamulka Somaliland ay si muuqata u jebisay mabda’a “Hal Shiine” (One-China principle), isla markaana ay meel ka dhac ku tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhul ee dalka Shiinaha.
Mawqifka Taiwan: Warqadda ayaa lagu muujiyay in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha, dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinahana ay tahay dowladda keliya ee sharciga ah ee dalkaas ku maamusha darajada caalamiga ah. Waxa kale oo ay uga digeen siyaasiyiinta in ay ka gudbaan khadadka cas ee arrinta Taiwan, iyagoo sheegay in taasi ay leedahay cawaaqib dhab ah.
Taageerada Midnimada Soomaaliya: Shiinuhu wuxuu dib u xaqijiyay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. Dowladda Shiinaha waxay caddeysay in ay si buuxda u taageersan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhowrideeda madax-bannaanida, iyada oo ka soo horjeeda wax kasta oo lagu kala qeybinayo dhulka Soomaaliyeed.









