Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda Baydhabo, weerarna ku qaaday Xasan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee magaalada Baydhabo, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay inay dalka ka abuureyso qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in aan la iska daawan karin waxa ku dhacaya dadka Koonfur Galbeed, isagoo xusay in horay looga digay xaaladda maanta ka taagan Baydhabo.
“Ma aha wax la aqbali karo inaan isku garab istaagno oo aan daawanno waxa ku dhacaya shacabka Koonfur Galbeed. Arrintan horay ayaan uga dignay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sidoo kale sheegay in “xukuumadda hadda jirta ay meel walba ka abuureyso qalalaase,” isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan si loo badbaadiyo dalka.
Hadallada Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay ka taagan yihiin xiisado iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Khilaafka dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa xoogaystay tan iyo bishii Maarso, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed uu xiriirka u jaray Muqdisho, iyadoo ay soo baxeen khilaafaadyo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Laftagareen ayaa markii dambe ku dhawaaqay inuu xilka ka degay, halka dowladda federaalkuna ay taageertay maamul ku-meel-gaar ah oo cusub.
Sheekh Shariif ayaa hadda ku baaqaya in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan, isagoo si gaar ah u dhaliilay siyaasadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan Baydhabo iyo Koonfur Galbeed.









