Markab ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah oo ay hareereeyeen maraakiib dagaal oo Turki ah

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo markab calanka Cameroon wata, kaas oo la sheegay in koox Burcad-badeed Soomaali ah ay shalay qabsatay.
Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in markabka uu ku wajahnaa Soomaaliya, isla markaana uu sido qalab ciidan iyo agab dhisme, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay mashaariic ay Turkigu ka wadaan koonfurta Soomaaliya.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maraakiib dagaal oo Turki ah ay ku dhow yihiin goobta markabka lagu hayo, iyadoo xaaladda ay ka dhalatay xiisad u dhexeysa Ankara iyo kooxaha gacanta ku haya markabka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa intaa ku daraya in wadahadallo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinaca Turkiga looga hadlay xaaladda markabka, iyadoo Ankara ay dalbanayso in kooxaha qabsaday ay ka degaan markabka.
Haddii xogahan la xaqiijiyo, dhacdadani waxay noqon kartaa mid ka mid ah kiisaska ugu xasaasisan ee burcad-badeednimo ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya muddooyinkii dambe, maadaama ay ku lug leeyihiin markab la sheegay inuu xiriir la leeyahay danaha Turkiga ee Soomaaliya.









