Sawirro: Shirka Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo goordhow furmay

Waxaa maanta guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ka furmay shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka.
Kulankan oo la qorsheynayo inuu socdo ilaa maalinta Jimcaha ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafka hareeyay hannaanka doorashooyinka. Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in dhinacyada ka qeybgalaya ay si weyn uga doodayaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo heli lahaa doorasho loo dhan yahay.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay isku mowqif ka yihiin diidmada muddo kororsi kasta oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda, iyagoo ku baaqay in la qabto doorasho xalaal ah oo waafaqsan dastuurka dalka.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira khilaafka doorashooyinka, waxaana la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro qodobo iyo talooyin ku wajahan xallinta xaaladda taagan.










