DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Banaanbaxyo ka socda Nairobi & Ganscsiga Soomaalida oo halis ku jira

Waxaa guud ahaan dalka Kenya maanta ka socda mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka iyo xaaladda dhaqaale ee sii adkaanaysa, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka waaweyn.

Dibadbaxyadan oo si xooggan uga socda caasimadda Nairobi ayaa sababay in uu istaago isu socodkii gaadiidka dadweynaha, halka ganacsiyo badan ay albaabada u laabeen cabsi la xiriirta amniga iyo rabshadaha ka dhalan kara mudaharaadyada.

Goob joogayaal ku sugan Nairobi ayaa sheegay in waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha magaalada lagu arkayo holac iyo taayiro la gubay, iyadoo ciidamada ammaanku ay isku dayayaan inay kala eryaan dibadbaxayaasha. Meelo badan ayaa laga maqlayaa qaylo dhaan, waxaana hawada isku shareeray qiiq ka dhashay dabka waddooyinka lagu shiday.

Ganacsiyada Soomaalida Oo Cabsi Ku Jira
Ganacsiyo badan oo ay leeyihiin Soomaali ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa ku yaalla xaafadaha ganacsiga ee Nairobi iyo magaalooyin kale, ayaa la sheegayaa inay xirmeen, kadib markii ay soo baxeen cabsi laga qabo in la boobo ama lagu waxyeelleeyo rabshadaha socda.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin amniga hantidooda, maadaama mudaharaadyadii hore ee dalka ka dhacay ay mararka qaar isu beddeleen falal boob iyo burburin ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *