Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo lagu eedeeyay inay xiiriir la leeyihiin Israa’iil &Somaliland & DFS oo tallaabo ka qaadeysa

Warar ay soo xiganayaan ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka fiirsaneyso tallaabooyin waaweyn oo lagu sameynayo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada dowladda, kuwaas oo la sheegay in lagu eedeyn karo inay xiriir la leeyihiin Somaliland, Israa’iil iyo dalal kale.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, qorshaha ayaa la tilmaamay inuu ka koobnaan karo xil ka qaadis, ka xayuubin darajooyin ciidan iyo tallaabooyin kale oo ka dhan ah saraakiil lagu tuhunsan yahay inay door ku leeyihiin arrimo la xiriira muranka ka taagan deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka jiraan diidmooyin ay bulshada deegaanka ka muujinayaan qorshayaal la xiriira dhulalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dib-u-habeyn lagu sameyn karo Guutada 14-ka Oktoobar ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo la sheegay in la kala diri karo ama dib loo habeyn karo qaab-dhismeedkeeda. Ilo wareedyadu waxay arrintan la xiriirinayaan eedeymo ku saabsan isu dheellitir la’aanta qaabka ay beel ahaan u dhisan tahay guutadaasi.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli uu Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, uu maalin ka hor si cad ugu eedeeyay mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga inuu dhaqaale ka helay dalal shisheeye si loogu taageero dhismaha maamul cusub. Sidoo kale, maalmo ka hor qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in hub cusub laga keenay Somaliland, inkastoo aysan soo bandhigin caddeymo ama faahfaahin dheeraad ah oo taageeraya hadalkooda.
Muranka ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo saamiga siyaasadeed ee deegaannada Shabeellaha Hoose ayaa muddo dheer soo jiitamayay tan iyo burburkii dowladdii dhexe. Xogaha hadda soo baxaya ayaa muujinaya in doodahaasi ay mar kale xoogeysanayaan, iyadoo dhinacyo kala duwan ay is weydaarsanayaan eedeymo culus oo ku saabsan faragelin shisheeye iyo khilaaf siyaasadeed.









