Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Puntland oo ku dhawaaqday in ay sigaar ah u qabsaneyso doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal
    LATEST NEWS

    Puntland oo ku dhawaaqday in ay sigaar ah u qabsaneyso doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor3 March 2026Updated:3 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Shirkaasi ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb galeen habka fogaan-aragga (online).

    Shirka wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka bedelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka.Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa si wadajir ah u soo saaray mowqif cad oo ay kaga soo horjeedaan wax ka bedelka ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aan lagu heshiin.

    Puntland ayaa si gaar ah u muujisay walaac ay ka qabto tallaabooyinka uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ee la xiriira dib-u-eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee la ansixiyey sanadkii 2012. Puntland waxay ku adkaysatay in isbeddel kasta oo lagu sameynayo dastuurka uu ku yimaado wada-tashi iyo heshiis qaran oo loo dhan yahay.

    Sidoo kale, Puntland ayaa ku dhawaaqday in haddii la gaaro dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, iyadoo aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka, ay si gaar ah u qaban doonto doorashooyin looga hortagayo firaaq dastuuri ah iyo burbur ku yimaada nidaamka federaalka ee dalka. Waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay mid lagu badbaadinayo dawladnimada Federaalka oo waqti iyo dadaal badan lagu bixiyey.

    Puntland ayaa sidoo kale tilmaantay in arrintan ay kala shaqeyn doonto golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si looga hortago dib u dhac siyaasadeed oo halis gelin kara midnimada iyo xasilloonida dalka.

    Ugu dambeyn, Puntland ayaa ka digtay in faragelinta lagu sameynayo Dastuurka 2012-ka ay dib ugu celin karto Soomaaliya marxalado adag oo hore looga soo gudbay, taas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Qatar oo bahdishay Madaxweyne Xasan Sheekh
    Next Article Sawirro: Dowladda oo Go’doomisay Shacabka degmada Deyniile
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d