Puntland oo Dowladda Federaalka ka mamnuucday inay heshiisyo ka gasho baddeeda iyo kheyraadkeeda

Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddeysay mowqifkeeda ku aaddan maamulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dhulkeeda iyo badda ku teedsan.
Puntland waxay sheegtay in sida uu dhigayo Dastuurkeeda, ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho, ku ilaaliso, ugana faa’iideysato kheyraadka ku jira dhulkeeda iyo xeebaha ay maamusho. Waxay sidoo kale caddeysay in shirkad ama hay’ad shisheeye, oo ay ku jirto SOMTURK, aysan wax hawl ah ka fulin karin biyaha ama dhulka Puntland iyada oo aan fasax rasmi ah ka helin maamulka Puntland.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan u lahayn awood ay ku bixiso heshiisyo ama rukhsado la xiriira kheyraadka ku yaalla deegaannada Puntland, maadaama arrimahaas ay u baahan yihiin wada-tashi iyo heshiis waafaqsan dastuurka federaalka iyo kan Puntland.
Puntland waxay sidoo kale ka digtay in cid kasta oo ka shaqeysa dhulkeeda ama biyaha hoos yimaada iyada iyada oo aan oggolaansho ka haysan ay wajihi doonto tallaabooyin sharci iyo kuwo amni.
Ugu dambeyn, Puntland waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo ay la yeelato Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, saaxiibbada caalamka iyo maalgashadayaasha, iyadoo shuruud uga dhigaysa in la ixtiraamo dastuurka iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.










