FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

NISA oo xalay xirtay Wariye soo tebin jiray Wararka Mucaaradka

Ciidan katirsan Nabad Sugida oo qoryo iyo Bistoolado ku hubeysan watayna tuutaha NISA iyo Gaari Cabdi Bile ah ayaa xalay wariye Cabdi Xaafid oo katirsan Tv-ga Somali Cable ka afduubtay nawaaxiga Saldhigga booliska degmada Waaberi, isagoo fadhiyay maqaayad uu ka suxuuranayay.

Wariye Xaafid oo kamid ah suxfiyiinta ugu fir-fircoon ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay hanjabaado shaqadiisa la xiriirta, taasoo uu dhegaha ka fureystay.

Tillaabadan waxey qeyb ka tahay caburinta lagu hayo suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *