DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Midowga Yurub oo War kasoo saaray Gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay casuumaadda uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, taasoo lagu wado in todobaadka soo socda lagu qabto xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada lagu xoojinayo wadatashiga siyaasadeed iyo wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka. Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan loo dhan yahay oo horseeda xasillooni iyo horumar waara.

“Midowga Yurub wuxuu taageersan yahay gogol kasta oo wadatashi oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada, gaar ahaan mucaaradka, inay ka qeyb qaataan si loo dhiso mustaqbal siyaasadeed oo mideysan,” ayay tiri safiiradda.

Casuumaaddan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay soo saaray warsaxaafadeed uu ku shaacinayo gogol wadatashi oo loo fidiyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ah madal ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in xubnaha mucaaradka ay shuruudo ku xireen ka qeybgalka shirka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *