Maxkamadda Ciidamada Puntland oo go’aan adag ka gaartay kiis dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Cabdiqaadir Axmed Maxamed Surcad, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira dilka askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF).
Dilka askariga ayaa la sheegay inuu ka dhacay Waqada Qaadka ee magaalada Boosaaso, waxaana kiiskaasi loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland.
Maxkamaddu maanta ayay ku dhawaaqday xukunka dilka toogashada ah ee Cabdiqaadir Axmed Maxamed Surcad, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo hay’adaha garsoorka Puntland oo ku saabsan habraaca xukunka.
Xukunkan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sii xoojinayso tallaabooyinka sharci iyo ciidan ee lagula tacaalayo dambiyada culus ee ka dhaca deegaannadeeda.
Puntland ayaa ah maamulka kaliya ee intabadan dilalka ku fuliya xubnaha shabaabka ah iyo Daacish oo kooxaha kale ee dilalka iyo dhibaatada ka geysta deegaanada taasoo ka dhigtay deegaanada Puntland kuwa ugu nabadda badan ee Soomaaliya.









