Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Maxay ku kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo kan kirshtanka ee isku soo beegmay sanadkaan? ( Warbixin)
    LATEST NEWS

    Maxay ku kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo kan kirshtanka ee isku soo beegmay sanadkaan? ( Warbixin)

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor23 February 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    top view Arabian family having dinner together on wooden table with father,mother,grandfather,grandmother and son
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Soonka bisha Ramadaan waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, taasoo ku waajib ah qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah, miyir qaba, caafimaadkiisu taam yahay.

    Sida Islaamka, dadka raacsan diimaha kale, sida Masiixiyadda, sidoo kale way soomaan.

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira farqi u dhexeeya soonka Muslimka iyo Masiixiyiinta.

    Culumo badan ayaa sheegay in waxyaabaha lagu kala duwan yahay ay ka mid yihiin in Muslimiintu ay soomaan 29 ama 30 maalmood, sida uu xaqiijiyey xadiis ka sugnaaday Rasuulka (NNKH) in bisha Islaamku ay tahay 30 ama 29 maalmood, sidaas darteed soomku wuxuu noqon karaa 30 ama 29 maalmood.

    Laakin xogtu waxay sidoo kale muujineysaa in sidaas aysan ka jirin diinta Kirishtaanka oo soomkoodu uu ku egyahay 40 maalmood, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in Nebi Ciise (CS) uusan wax cunin 40 maalmood, xilligaasoo la sheegay in uu sadaqeystay oo uu ku tukaday.

    Ustaz Murtala Muhammad Gusau oo ah imaamka Masjidka Jimcaha ee magaalada Okenen ee gobolka Kogi ee dalka Nigeria, isla markaana ah madaxa xarunta waxbarashada iyo faafinta diinta Islaamka ee Okene, ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ay aad ugu kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo soonka Masiixiyiinta iyo xitaa Yuhuuda.

    “Soonku waa cibaadada Alle iyadoo laga fogaanayo cuntada, cabitaanka iyo galmada, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca.”

    Sannad kasta bisha Ramadaan, Muslimiinta caalamka waxay soomaan 29 ama 30 maalmood, taasoo ka duwan soonka 40-ka maalmood ee Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.

    Arrinta soonka Masiixiyiinta, Reverend Joseph John Hayab, oo ah guddoomiyaha ururka Kiristaanka ee Nigeria, laantiisa gobolka Katsina, ayaa BBC u sheegay in Kitaabkoodu uu dhigayo inay soomaan.

    Waxa uu sheegay in soonku uu qayb weyn ka yahay diinta Kiristaanka, balse uu jiro farqi u dhexeeya sida Masiixiyiinta iyo Muslimiinta sida ay u soomaan.

    “Farqiga u dhexeeya Soonka Masiixiyiinta iyo diimaha kale waa in aan maalin walba soono si aan u helno xoog badan oo aan ku raadinno nimcooyinka Eebbe ee nolosheena.”

    “Ma hayno waqti gaar ah oo aan ku soomi karno sida Islaamka, ee bisha Ramadaan,” ayuu yiri Reverend John.

    “Masiixiyadda haddii aad dooratid inaad soonto, waxay ku xiran tahay sida aad u qorsheyso, uma sameyneyno sida dadka muslimiinta ah ee waqti go’an oo sax ah ama afur ah, markaad casho cuntid oo aad seexato, waxaad soo toosaysaa soonkaaga oo nadiif ah, waxaadna dooran kartaa markaad rabto inaad afurto,” ayuu yiri.

    “Waxaan dhihi lahaa inta badan Masiixiyiinta umma soomaan noocaan oo kale, laakiin sida Catholics iyo Anglicans iyo kuwa kale, waxay soomaan waqtiyada Lent ga iyo soonka,” ayuu yiri.

    Xigasho Bbc Somalia

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u diray Golaha Mustaqbalka
    Next Article DFS oo kulan muhiim ah la yeelaneysa beesha caalamka xilli ismari-waa siyaasadeed jiro
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d