Maxamuud Maxamed Cali oo toogasho lagu dilay & Booliiska oo baaritaan wado

Kooxo hubeysan oo aan weli la aqoonsan ayaa toogasho ku dilay nin Soomaali ah xilli uu u socday masaajid si uu u tukado salaadda Subax, weerarka ayaa ka dhacay Damasa Shopping Centre ee deegaanka Lafey, gobolka Mandera ee Kenya.
Dhacdadan ayaa dhacday abaare 5:10 aroornimo Sabtidii, 29 Agoosto 2026, sida ay sheegeen booliska iyo dad goob-joogayaal ah.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Cali, oo sidoo kale loo yaqaanay Maalin Guliye.
Goobjoogayaal ayaa booliska u sheegay in kooxaha weerarka geystay ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen Marxuumka xilli uu ku sii jeeday masaajidka, kadibna ay dhowr xabbadood ku dhufteen.
Weeraryahannadii ayaa isla markiiba u baxsaday dhanka Damasa ee Soomaaliya, taas oo dhacdada ka dhigaysa mid walaac cusub ku abuurtay amniga xadka labada dal.
Ilaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee dilka, waxaana ciidamada ammaanka Kenya ay bilaabeen baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarka iyo ujeeddada loo dilay Marxuumka.
Maydka Marxuumka ayaa markii hore goobta lagu sameeyay baaritaanno, waxaana markii dambe loo fasaxay ehelkiisa si loogu aaso sida waafaqsan dhaqanka iyo shareecada Islaamka.
Deegaanka Lafey iyo guud ahaan xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa goob ay ciidamada Kenya si gaar ah uga wadaan howlgallo amni, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay in tallaabooyinkaasi lagu doonayo in lagu yareeyo weerarrada ay geystaan kooxaha hubeysan ee xadka kasoo gudba.
Si kastaba, xadka oo meelo badan ka ah mid furan oo ay adagtahay in si buuxda loo ilaaliyo, ayaa weli waxaa laga soo sheegayaa weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo kooxaha hubeysan.
Weerarrada noocan ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa ciidamada ammaanka iyo xarumaha dowladda, iyadoo qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah loo adeegsado.
Kenya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, iyadoo howlgalka Operation Linda Nchi uu bilowday 14-kii Oktoobar 2011, kadib weerarro xuduudaha ka dhacay iyo afduubyo ay Kenya sheegtay inay khatar ku noqdeen amnigeeda iyo dalxiiskeeda.
Baaritaanka dilka Maxamuud Maxamed Cali ayaa weli socda, iyadoo ciidamada ammaanka ay isku dayayaan inay xaqiijiyaan cidda fulisay weerarka iyo halka ay kasoo abaabuleen.









