Maleeshiyada Al-Shabaab oo dad ay ku jiraan Hooyo iyo Gabadheeda ku afduubtay Shabeellaha Dhexe

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay la sheegay inay dad shacab ah ka afduubteen deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo gabadheeda, ay kooxda ka kaxaysatay Warciise, iyadoo la sheegay in loo qaaday dhulka howdka ah ee ay kooxda ku dhuumaaleysanayso.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dadkaasi ku eedeysay inay basaasiin u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, eedeyn aan illaa hadda si madax-bannaan loo xaqiijin.
Afduubka ayaa yimid kaddib markii dhawaan duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Warciise lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.
Dhacdadan ayaa walaac hor leh ku abuurtay shacabka ku nool deegaanka, xilli ay weli socdaan howlgallada milatari iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe.
Banaadir24 Online ayaa sii wadi doonta la socodka xaaladda iyo wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha.









