Madaxa maaliyadda Al-Shabaab oo la sheegay in la dilay

Warar xasaasi ah oo laga helayo gobolka ayaa sheegaya in Aadan Cabdullaahi Ibraahim, oo loo yaqaan “Dhegajuun”, isla markaana lagu tilmaamay madaxa guud ee dhinaca maaliyadda Al-Shabaab, lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhegajuun uu ku jiray gaari nooca Toyota Probox ah xilliga ay dhacaysay duqayntu, taas oo la rumeysan yahay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday.
Dhegajuun ayaa lagu tilmaamay inuu muddo ka tirsanaa hoggaanka maaliyadda Al-Shabaab, isla markaana uu xiriir dhow la lahaa hoggaamiyaha kooxda, Axmed Diiriye.
Hase yeeshee, illaa hadda ma jiro bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Al-Shabaab oo xaqiijinaya geeridiisa, sidaas darteed xogta ayaa weli loo qaadanayaa war hordhac ah oo u baahan xaqiijin dheeraad ah.
Haddii geeridiisa la xaqiijiyo, waxay noqon kartaa khasaare culus oo ku yimaada shabakadda maaliyadeed ee Al-Shabaab.









