LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Villa Somalia Kusoo Dhoweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *