Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray mid kamid ah dalalka dariska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka safar ugu ambabaxay dalka Kenya kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Labada madaxweyne ayaa la filayaa inay wada-hadallo heer sare ah ku yeeshaan magaalada Naivasha, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Kenya ay sii xoojinayaan wada-shaqeyntooda dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo labada dowladood ay danaynayaan in la dardargeliyo iskaashiga ka dhexeeya.
Wararka ayaa tilmaamaya in madaxdu ay sidoo kale ka wada hadli doonaan xaaladaha gobolka, dadaallada nabadeynta iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan.
Safarka Madaxweynaha ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la filayo in kulankaasi uu horseedo is-afgaradyo cusub iyo iskaashi dheeraad ah oo u dhexeeya labada dal.









