Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo faa’iideystay dastuurka cusub & muddo xileedkiisa oo la kordhiyay
    LATEST NEWS

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo faa’iideystay dastuurka cusub & muddo xileedkiisa oo la kordhiyay

    Banaadir24By Banaadir246 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dastuurka kama-dambaysta ah ee dalka, kaas oo dhigaya in muddada xilka Madaxweynaha ay noqoneyso shan sano, sida ku cad qodobada cusub ee dastuurka. Arrintan waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayn doono illaa bisha May 2027.

    Sidoo kale, dastuurka cusub ayaa qeexaya in muddada xilka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka ay noqoneyso shan sano. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub, sida uu xalay shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

    Baarlamaanka 11-aad ee hadda jira ayaa markii hore lagu doortay dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee markaas jiray, waxaana lagu qorsheeyay in muddadiisu noqoto afar sano. Muddadaasi waxay ka bilaabatay maalintii ay Xildhibaannada Labada Aqal dhaarta qaadeen, oo ahayd 14-kii Abriil 2022, waxayna ku ekaan lahayd 14-ka Abriil 2026.

    Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono muddada uu oggolaanayo dastuurka cusub ee la ansixiyay, taas oo ah shan sano.

    Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa loo fasiran karaa in Baarlamaanka hadda jira, oo muddo-xileedkiisu gabagabo ku dhow yahay, uu la jaanqaadi doono hirgelinta dastuurkan cusub, inkastoo wax-ka-beddelladiisa ay si weyn u kala qaybiyeen dhinacyada siyaasadda.

    Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa qaadacay dhaqan-galka dastuurka cusub. Doodaha la xiriira kordhinta muddada xilalka ayaa sii xoojiyay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleAgaasimaha NISA oo sagootin sharaf leh u sameeyay sarkaal kaalin weyn ka qaatay amniga
    Next Article Dalalka Khaliijka oo joojinaya qandaraasyada ay kula jiraan Mareykanka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d