Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweyne laftagareen oo shaaciyay cidda ka dambeysa dagaalkii Baydhabo
    LATEST NEWS

    Madaxweyne laftagareen oo shaaciyay cidda ka dambeysa dagaalkii Baydhabo

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor6 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day amni darro lagu carqaladeynayay xasilloonida gobolka.

    Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay mid kamid ah masaajidda magaalada Baydhabo kadib salaadda Jimcaha, ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay ka hortageen falal uu ku tilmaamay “kuwo lagu doonayay in lagu qalqal geliyo amniga,” isagoo xusay in ay gacanta ku dhigeen xubno uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhacdadaas.

    Laftagareen ayaa ku eedeeyay xubno katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kooxo ku sugan magaalada Muqdisho inay ku lug leeyihiin dagaalkaas, inkastoo uusan magacaabin cid gaar ah. Wuxuu adkeeyay in aan la aqbali doonin wax hub ah oo ka madax-bannaan kan rasmiga ah ee hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed.

    “Ma aqbali doonno in Baydhabo laga abuuro hub sharci darro ah ama kooxo ka shaqeeya qalalaase. Qofkii siyaasad doonaya, albaabku wuu u furan yahay, balse hub lagu raadinayo dan siyaasadeed ma aqbaleyno,” ayuu yiri madaxweynaha.

    Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga gobolka si adag looga hortagi doono, isaga oo ku baaqay in arrimaha siyaasadda lagu wajaho wadahadal iyo hab sharci ah.

    Dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.

    Ugu dambeyn, Madaxweyne Laftagareen ayaa bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo midnimada, kana fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga guud ee gobolka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticlePuntland Rejects Somalia–Turkey Maritime Cooperation Agreement
    Next Article Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Mareykanka
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d