Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxaya Addis Ababa, xilli la sugayo…
    LATEST NEWS

    Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxaya Addis Ababa, xilli la sugayo…

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor12 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-gali doono shirka Midowga Afrika, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta shir lagu balansanaa in lagu dhexdhexaadiyo dowladda iyo mucaaradka.

    Shirkan oo la filayay in uu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mucaaradka, waxaana lagu waday in lagu gorfeeyo arrimo la xiriira hanaanka doorashooyinka, amniga, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

    Inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay wehliyaan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, si ay uga qaybgalaan shirka.

    Wararka uu helayo Banaadir24 ayaa sheegaya in wakiillada Beesha Caalamka ay cadaadis xooggan saarayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, si aan shirka dib loogu dhigin ama loo baajin.

    Sidoo kale, warar kale ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in shirka uu dib u dhaco muddo hal toddobaad ah, maadaama weli aan heshiis laga gaarin goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka.

    Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo indhaha lagu hayo go’aamada ka soo bixi doona labada dhinac iyo doorka ay qaadan doonaan saaxiibada caalamiga ah.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMuran Ka Taagan qabashada Shirka Madaxda Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu soo duulay lana dagaalameyso…
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d