Maamulka Laftagareen oo mamnuucay diyaaradaha sida ciidamada iyo hubka u socda garoomada Koonfur Galbeed

Maamulka Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku dhawaaqay in si aan waqti loo cayimin loo hakiyay duulimaadyada sida ciidamo ama agab militari ee ku wajahan garoomada diyaaradaha iyo kuwa yar-yar ee ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed.
War kasoo baxay Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka ee maamulka ayaa lagu faray shirkadaha diyaaradaha, hawl-wadeennada duulimaadyada iyo dhinacyada kale ee ku shaqada leh duulista inay joojiyaan dhammaan duulimaadyada qorshaysan iyo kuwa aan qorshaysnayn ee sida askar ama saanad militari.
Amarkan oo ku taariikhaysan 7-da September ayaa si degdeg ah u dhaqan galay, waxaana lagu sheegay inuu sii jiri doono ilaa amar dambe.
Maamulka ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta shacabka, sugidda amniga garoomada iyo hubinta habsami-u-socodka adeegyada duulista, xilli ay Koonfur Galbeed ka jirto xiisad amni iyo siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa.
Si kastaba, amarka ayaa ka reebaya duulimaadyada rayidka, kuwa Qaramada Midoobay iyo hawlgallada AUSSOM, haddii ay wadaan howlo bani’aadannimo, caafimaad ama hawlo rasmi ah oo la oggolaaday.
Su’aasha weyn: maamulka Laftagareen ma dhaqan-gelin karaa amarka Baydhabo?
Waxaa weli mugdi ku jira awoodda maamulka Laftagareen uu ku dhaqan-gelin karo amarkan gudaha Baydhabo, maadaama magaalada, garoonkeeda diyaaradaha iyo xarumaha muhiimka ah ee amniga ay gacanta ku hayso dhinaca uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Maamulka Laftagareen ayaa hadda ka howlgala meel ka baxsan Baydhabo, mana jirto caddeyn muujinaysa inuu si toos ah u maamulo ama gacanta ugu hayo garoonka diyaaradaha magaalada.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Baydhabo ay wajahaysay xiisado militari iyo siyaasadeed oo isa soo taraya, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan awoodda iyo maamulka magaalada.










