Laftagareen oo digniin culus kasoo saaray dhul boob ay wadaan Xasan Sheekh Iyo Aadan Madoobe

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad, ganacsato iyo maalgashadayaal lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin qabsashada, iibinta iyo wareejinta sharci-darrada ah ee dhul dowladeed.
Maamulka ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi si gaar ah looga soo sheegayo dhulal ku yaalla gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose, isagoo caddeeyay in uusan aqoonsan doonin heshiisyo ama dukumiintiyo la xiriira dhul uu u arko hanti guud oo si sharci-darro ah loo kala wareejiyay.
Digniinta ayaa sidoo kale si gaar ah loogu soo qaaday dhulal ku yaalla Lafoole iyo Afgooye, oo ay ka mid yihiin dhulka Jaamacadda Lafoole iyo xeradii hore ee Agoonta/Milatariga Lafoole, kuwaas oo maamulka Koonfur Galbeed ku tilmaamay hanti dadweyne oo hoos timaadda maamulkiisa.
Maamulka Laftagareen ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay bartilmaameedsatay qaar ka mid ah dhulalka ay sheeganayso Koonfur Galbeed, isagoo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Eedeymahan ayaa weli ah sheegasho ka timid maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo aan jawaab rasmi ah oo degdeg ah laga helin dhinacyada lagu eedeeyay.
Maamulka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada inay taxaddar muujiyaan, isagoo sheegay in dukumiintiyada lagu saleeyo heshiisyada uu u arko kuwa sharci-darrada ah aysan yeelan doonin wax sharciyad ah, isla markaana uu qaadi doono tallaabo kasta oo sharci ah oo lagu ilaalinayo hantida guud.










