Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Khilaaf weli ka taagan qabsoomida Shirka Madaxda DFS iyo Golaha Mustaqbalka
    LATEST NEWS

    Khilaaf weli ka taagan qabsoomida Shirka Madaxda DFS iyo Golaha Mustaqbalka

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor4 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin kalsoonida lagu qabi karo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kalsoonidii hore ay gebi ahaanba meesha ka baxday, isla markaana Jubbaland iyo Puntland ay soo celiyeen su’aalo culus oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ahayd dhacdadii diyaaradaha laga hor istaagay wafdiyadoodii.

    Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii hore sheegay inuusan waxba ka ogeyn go’aankii lagu hor istaagay diyaaradaha, balse uu si degdeg ah u beddelay hadalkiisa, isla markaana madaxda Golaha Mustaqbalka u sheegay laba war oo is khilaafsan.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu markii dambe odayaal dhaqameed u diray Puntland iyo Jubbaland, isagoo faray in ay la yimaadaan ciidamadooda, taas oo ay dawlad-goboleedyadu dib uga maageen, iyagoo dalbanaya in si cad loo cadeeyo:

    Yaa lahaa mas’uuliyadda go’aanka?
    Yaase hadda lagu kalsoonaan karaa?

    Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka ayaa wada cadaadis xooggan oo ay ku saarayaan dhammaan dhinacyada, si xal degdeg ah loogu helo khilaafka. Isla waqtigaas, hoggaamiyeyaasha Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa wada wadahadallo toos ah oo ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, si shirka loo badbaadiyo looguna qabto magaalada Muqdisho.

    Saakay ayaa la filayaa kulan gaar ah oo u dhexeeya dhinacyadaas, kaas oo lagu gorfeeyn doono sidii loo heli lahaa waddo ay dhinacyadu isugu soo laaban karaan.

    Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in damaanad-qaadka amniga ee lagu kalsoonaan karo lagu talinayo in ay bixiyaan dowladaha reer Galbeedka, arrintaas oo haddii ay hirgasho noqon doonta mid si weyn u wiiqeysa awoodda Villa Soomaaliya.

    Khilaafka ayaa weli ah mid furan, waxaana laga cabsi qabaa in haddii xal degdeg ah la waayo uu si buuxda u burburo shirkii Golaha Mustaqbalka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMadaxweyne Cirro oo sheegay in Macdanta Somaliland uu Israa’iil ku wareejinayo
    Next Article Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la qabtay: Yaa kusoo baxay?
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d