Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Imaaraadka Carabta Oo Qalabkiisa Milatari Kala Baxay Muqdisho
    LOCAL NEWS

    Imaaraadka Carabta Oo Qalabkiisa Milatari Kala Baxay Muqdisho

    Banaadir24By Banaadir2417 January 2026No Comments4 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday inay qalab iyo agab militari kala baxdo Soomaaliya, iyadoo saddex diyaaradood oo xamuul ah oo sida agabka dowladdaas ay Khamiistii ka duuleen Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo la socda hawlgalkan. 

    Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa caasimadda, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Isniintii laaleen heshiisyadii amni iyo kuwa difaac ee lala galay Imaaraadka. Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in la filayey laba diyaaradood oo kale inay Muqdisho yimaadaan Jimcihii shalay si loo soo gabagabeeyo hawlgalkan.

    Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa duulista hawada ayaa sheegay in bixitaanka diyaaradaha ay ka dambeysay maalmo ay taagnayd xiisad la xiriirta habraacyada duulimaadka.

    Hay’adaha Soomaaliya ayaa dalbaday dokumeentiyo, diiwaanka shixnadda (flight manifests), iyo oggolaansho rasmi ah ka hor inta aysan fasixin diyaaradaha. Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa markii hore ka cago-jiiday awaamiirta, balse markii dambe way u hoggaansameen oo gudbiyeen waraaqihii loo baahnaa.

    Bixitaankan ayaa imaanaya kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay u codeeyeen inay laalaan dhammaan heshiisyadii amniga, difaaca iyo iskaashiga ee la xiriiray dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dowladda ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay xadgudubyo culus oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.

    Muqdisho ayaa muddo dheer diidanayd heshiisyada amniga iyo kuwa ganacsiga ee ay maamul-goboleedyadu la galaan shuraakada shisheeye iyadoo aan oggolaansho laga haysan dowladda dhexe, gaar ahaan kuwa khuseeya dekedaha istiraatiijiga ah ee Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

    Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa khilaafkan cusub la xiriiriyay baaritaan ay waddo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaas oo ku aaddan eedeymo sheegaya in hawada iyo dhulka Soomaaliya loo adeegsaday si aan sharci ahayn dhaqdhaqaaqa Caydaruus Al-Zubaydi, hoggaamiyaha Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen (STC), kooxdaas oo ah gooni-u-goosato uu taageero Imaaraadku.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama Yemen ayaa ku eedeeyay Al-Zubaydi inuu diiday awaamiirta ahaa inuu wada-hadal u tago Riyadh, beddelkeedna uu ciidamo u abaabulay dhanka Al-Dhaalica ee koonfur-galbeed Yemen. Afhayeenka Isbahaysiga, Janaraal Turki Al-Maaliki, ayaa markii dambe sheegay in Al-Zubaydi uu ka baxsaday magaalada Cadan isagoo sii maray badda, kadibna diyaarad kaga dhoofay gobolka, iyadoo Abu Dhabi ay u fududeysay inuu sii maro dhulka Soomaaliya.

    Al-Maaliki ayaa sheegay in Al-Zubaydi iyo kaaliyeyaashiisu ay diyaarad raaceen “iyadoo ay kormeerayaan saraakiil Imaaraati ah.” Dhanka kale, kooxda STC ayaa beenisay sheegashadaas, iyagoo ku adkeysanaya in hoggaamiyahoodu uu weli ku sugan yahay Cadan.

    Xumaanshiyaha xiriirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xaalad diblomaasiyadeed oo cakiran. Bishii hore, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Soomaaliya ay diiday. Warar soo baxay oo soo xiganaya mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in Abu Dhabi ay gacan ka geysatay fududeynta arrintaas, taas oo sii xumeysay xiriirka Muqdisho iyo Imaaraadka.

    Imaaraadka ayaa xiriir qoto dheer oo dhaqaale iyo mid amni la yeeshay Somaliland, waxaana ka mid ah maalgashi dhan $442 milyan oo ay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ku horumarinayso dekedda Berbera. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dhulkeeda caalamku aqoonsan yahay, waxayna dhowr jeer ka soo horjeesatay heshiisyada shisheeye ee aan oggolaanshaheeda la haysan.

    Raritaanka muuqda ee qalabka Imaaraadka ee Muqdisho ayaa calaamad u ah sare u kac weyn oo ku yimid xiisadda iyo suurtagalnimada in Imaaraadku dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa Soomaaliya, in kasta oo saameyntiisu ay weli xooggan tahay dhanka maamul-goboleedyada.

    Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay weli diyaar u yihiin iskaashi caalami ah, balse shuruuddu tahay in la dhowro midnimada, madaxbannaanida iyo dastuurka Soomaaliya — mowqifkaas oo hadda wajahaya imtixaan adag maadaama mid ka mid ah saaxiibada ugu saameynta badan ee Muqdisho uu dib u guranayo.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMuqdisho: Nin Ka Yimid Ingiriiska Oo Si Arxan Darro ah Loo Dilay & Meydkiisa Oo…
    Next Article Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d