LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Horjoogihii Al-Shabaab u Qaabilsanaa “Zakawaadka” oo Lagu Dilay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda.

Howlgalka ayaa lagu dilay Cabdullaahi Maxamuud Odowaa (Faadhuud), oo 57 jir ahaa, waxaana la sheegay inuu Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan “Zakawaadka”, isagoo kooxda ku biiray sanadkii 2009-kii.

Sida lagu sheegay wararka, Faarax Ismaan Raage iyo Jacfar Axmed Dhuxul, oo ka tirsan Ciidanka Deegaanka, ayaa howlgalka ka fuliyay goob ay maamulayeen Khawaarijta, halkaas oo lagu dilay horjoogaha.

Faadhuud ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay deegaanka, iyadoo lagu eedeeyay inuu dhibaatooyin badan u geystay shacabka ku nool deegaannada uu kooxda kaga tirsanaa.

Dilkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli uu xoogeystay ugaarsiga lagu hayo horjoogayaasha Khawaarijta ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ciidamada deegaanka ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *