LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baydhabo iyo ciidamo uu wato oo ku biiray ciidanka Laftagareen

Xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa yeelatay waji cusub, kadib markii guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka degmada Baydhabo, oo Arbacadii xilka laga qaaday, uu ku biiray ciidamo taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada.

Wararka maxalliga ah ayaa sheegaya in mas’uulkan hore uu Khamiistii gaaray fariisimaha ciidamada, isagoo ay la socdeen rag hubeysan iyo gaadiid ciidan.

Tallaabadan ayaa timid hal maalin oo keliya kadib markii laga qaaday xilkii uu ka hayay maamulka degmada Baydhabo, taasoo sii kordhinaysa hadal-heynta ku saabsan halka uu ku dambeyn karo khilaafka siyaasadeed ee magaalada.

Ku biiristiisa ciidamada Laftagareen ayaa sidoo kale muujineysa in muranka maamulka uusan ku koobnaan oo keliya dhinaca siyaasadda, balse uu yeelanayo dhinac amni, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo duleedka Baydhabo.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday mas’uulkan iyo in go’aankiisa uu ugu biiray ciidamada Laftagareen uu si toos ah ula xiriiro xil-ka-qaadistiisa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli indhaha si weyn loogu hayo Baydhabo, iyadoo maalmihii dambe ay isa soo tarayeen wararka la xiriira dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee ka socda magaalada iyo hareeraheeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *