Golaha Mustaqbalka oo digniin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan isku dayo lagu sheegay in ciidamada qaranka loogu adeegsanayo dano siyaasadeed, gaar ahaan arrimo la xiriira muddo kororsi.
Golaha ayaa hambalyo u diray dhammaan xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda, iyaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee ay ciidanku ku leeyihiin difaaca qarannimada, ilaalinta midnimada iyo sugidda amniga dalka.
Si kastaba, goluhu wuxuu si cad uga digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano gaar ah ama siyaasad aan waafaqsanayn sharciga dalka. Waxay tilmaameen in arrintaasi ay dhaawacayso haykalka dowladnimada, isla markaana wiiqayso kalsoonida shacabka ee ku aaddan ciidanka dhexdhexaadka ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidanka qaranku aanu ahayn aalad lagu fuliyo dano shaqsi ama kooxeed, balse uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada iyo jiritaanka qaranka. Sidaas darteed, ku milanka siyaasadda iyo kala qeybsanaanta qabiilka ayaa la sheegay inay burburin karto isku-duubnida ciidanka isla markaana halis gelin karto amniga guud ee dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn soo jeediyay qodobo dhowr ah oo ay ku dalbanayaan:
- In la dhowro dhexdhexaadnimada Ciidanka Qaranka, lagana ilaaliyo kala sooc iyo kala qaybin.
- In ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda iyo fulinta amarro aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka ciidamada.
- In la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta ciidanka, lagana fogeeyo falal dhaawici kara magacooda.
- In saraakiisha ciidanka ay u hoggaansamaan sharciyada dalka, isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo u muuqan karta mid sharci-darro ah.
Golaha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo hay’adaha amniga si ay u gutaan waajibaadkooda qaran, iyaga oo ka madax bannaan cadaadis siyaasadeed, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xasilloonida dalka.










