Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Finland: Qoys Soomaali ah ku Dhintay Dab ka Kacay gurigooda
    LATEST NEWS

    Finland: Qoys Soomaali ah ku Dhintay Dab ka Kacay gurigooda

    Banaadir24By Banaadir244 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada gurmadka degdegga ah, shaqaalaha ambalaasta iyo booliiska ayaa weli ku sugnaa goobta uu ka dhacay dab sababay dhimashada shan qof oo ka tirsan qoys Soomaaliyeed.

    Dadka geeriyooday ayaa ahaa waalidiin da’doodu u dhaxaysay 30 illaa 40 sano jir iyo saddex carruur ah oo kala ahaa saddex, lix iyo siddeed sano jir. Ilmo yar oo maalmo keliya jiray ayaa ka badbaaday masiibada, inkastoo uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loola cararay isbitaal si loogu daweeyo.

    Booliiska ayaa sheegay in shanta qof laga helay jaranjarada dhismaha, kadib markii ay ka soo baxeen gurigooda oo ku yaallay dabaqa saddexaad, xilli uu qiiq xooggan buuxiyay dhismaha.

    “Tiradda qiiqa soo baxaysay aad bay u badnayd, jaranjaraduna ma ahayn mid suuragelin karta in laga gudbo,” ayuu yiri Mikael Backlund, oo ka tirsan Booliiska Bariga Uusimaa, shir jaraa’id uu qabtay.

    Booliiska ayaa xaqiijiyay in aanay jirin wax calaamado ah oo muujinaya rabshad dibadeed oo loo geystay dhibbanayaasha.

    Dabka ayaa u muuqda inuu ka bilowday guri ku yaalla dabaqa labaad, halkaas oo burburka ugu weyn laga arkay. Dhinaca dambe ee dhismaha oo ka kooban lix dabaq ayaa noqday mid madoobaaday, halka daaqadaha dabaqyada sare la jebiyay intii ay socdeen howlaha gurmadka.

    Booliiska ayaa xiray nin 70-meeyo jir ah oo isla dhismaha deganaa. Sarkaalka baarista hoggaaminaya, Sanna Rentola, ayaa sheegtay in tuhmanuhu yahay nin u dhashay Finland oo aan lahayn taariikh dambiyo culus.

    “Dambiyada lagu tuhunsan yahay waa dab ula kac ah oo culus iyo dil,” ayay tiri Rentola.

    Waxay intaas ku dartay in aan qoyska Soomaaliyeed si gaar ah loo beegsan.

    “Qoyska lama bartilmaameedsan si ka duwan qof kasta oo kale oo ku noolaa dhismaha,” ayay u sheegtay warbaahinta.

    Rentola ayaa sidoo kale sheegtay in tuhmanuhu isagu isku soo dhiibay booliiska goobta, isla markaana lala hadlay, balse aan wali si rasmi ah wareysi loo qaadin.

    Booliiska ma shaacin qaabka dabka loo shiday, hase yeeshee baaritaan farsamo ayaa muujinaya in dabka si ula kac ah loo huriyay.

    Maamulka ayaa meesha ka saaray in falka uu ku salaysnaa naceyb ku dhisan midab-takoor.

    “Ma jiraan wax muujinaya sabab cunsuriyadeed,” ayay tiri Rentola.

    Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dabka, mid ka mid ahna xaaladdiisa ayaa weli ah mid halis ah, halka saddex kale ay qabaan dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen booliisku

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleCiidanka Booliiska Soomaaliya Oo xabsiga dhigay Axmed Cabdi Hurre
    Next Article Kulanka labada Aqal oo furmaya, dood ka taagan waxka bedelka Dastuurka & wararkii ugu dambeeyay
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d