LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Dowladda federaalka oo shaacisay waqtiga ay dhacayso doorashada guddoonka golaha deegaanka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay warqad rasmi ah oo lagu asteeyay maalinta la qabanayo doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qoraalka oo uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa lagu sheegay in doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir la qaban doono 05 Luulyo 2026.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan uu yimid si loo dhammaystiro waajibaadka doorashada iyo habraacyada maamulka ee la xiriira goleyaasha deegaanka ee la doortay.








