LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo dib u furtay garoonka diyaaradaha Doolow 2 sano kadib

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laba sano kadib dib u furtay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo duulimaadyadii ugu horreeyay la qorsheynayo inay berri ka degaan garoonka.

Furitaanka garoonka ayaa shacabka Doolow iyo deegaanada ku xeeran u noqonaya tallaabo muhiim ah oo dib loogu xoojinayo isku-xirka deegaanka iyo guud ahaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la filayo inuu fududeeyo isu-socodka dadka iyo gaadiidka cirka ee u dhexeeya Doolow iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli muddo laba sano ah uu muran siyaasadeed iyo maamul ka taagnaa gobolka Gedo, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Maamulka degmada Doolow ayaa horey u muujiyay mowqif adag oo ku aaddan xiriirka uu la leeyahay nidaamka Jubbaland, iyadoo dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay muddooyinkii lasoo dhaafay dooneysay inay saameyn dheeraad ah ku yeelato gobolka Gedo, kaas oo muhiim u ah isku-xirka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale wajahday caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriiray dadaallada ay ku dooneysay inay ku ballaariso saameynteeda deegaanada gobolka, iyadoo arrinta Doolow ay muddo dheer ahayd mid xasaasi ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa aaminsan in furitaanka garoonka uu fursad u yahay in Doolow ay dib ugu soo laabato isku-xirkii gaadiid iyo ganacsi ee ay la lahayd gudaha Soomaaliya iyo dibadda.

Si kastaba, tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo, gaar ahaan arrimaha maamulka iyo awood-qaybsiga Jubbaland.

Duulimaadyada la filayo inay berri ka bilaabmaan Doolow ayaa noqonaya tijaabadii ugu horreysay ee lagu qiimeynayo sida furitaanka garoonku u beddeli doono isku-socodka iyo xiriirka gobolka Gedo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *