Al-Shabaab oo sheegatay inay ciidamada dowladda khasaare culus ku gaarsiisay Dayniile

Dagaallo ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay inay weerarro isdaba joog ah ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warbaahinta ku dhow Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalladu ay dhaceen maalintii shalayahayd , iyadoo kooxda ay tilmaantay in ciidamadeedu ay shalay keliya dhowr jeer weerar ku qaadeen fariisimo ay joogeen ciidamada dowladda.
Sida lagu sheegay warbixinta, Al-Shabaab ayaa sheegatay in ugu yaraan 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal ciidan, lagu dilay iska horimaadyada, halka 16 askari oo kale ay ku dhaawacmeen.
Kooxdu waxay sidoo kale sheegatay inay dagaallada kula wareegtay hub iyo saanad ciidan oo ay sheegeen inay lahaayeen ciidamada dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha iyo saanadda la qabsaday ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin, mana jirto illaa hadda xog rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaysa tirada dhimashada iyo dhaawacyada.
Dagaalladan ayaa dhacay xilli ay Al-Shabaab weli waddo weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa taageera, gaar ahaan deegaannada ku dhow caasimadda Muqdisho.









