LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeymo culus ka fuliyay duleedka Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Turkiga, gaar ahaan nooca F-16, ay duqeymo ka geysteen duleedka magaalada saacadihii la soo dhaafay, xilli maanta lagu wado inay dhacdo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugo culus iyo qaraxyo ka dhacay hareeraha magaalada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin bartilmaameedka duqeymaha ama khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi. Ilo kala duwan ayaa bixinaya warar is khilaafsan oo ku saabsan ujeeddada weerarka.

Magaalada Baydhabo waxaa si weyn loo adkeeyay amnigeeda, iyadoo la filayo inay munaasabadda caleema-saarka ka qeybgalaan madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer qaran ah.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ka qeyb qaadashada diyaaradaha dagaalka Turkiga ee sugidda amniga ay muujineyso heerka sare ee feejignaanta amni ee ku xeeran munaasabadda, iyadoo Turkigu sii xoojinayo kaalintiisa ku aaddan arrimaha amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee Soomaaliya. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ama Dowladda Turkiga oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka la sheegay inuu ka dhacay duleedka Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *