Digniin Gilgishay Gobolka: Xuutiyiinta oo ku gooddiyey inay beegsanayaan saldhig kasta oo Israa’iil…

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saartay digniin cusub oo culus oo ku saabsan joogitaan kasta oo milatari ama sirdoon oo Israel ay ka sameysato gudaha Soomaaliya iyo deegaannada ku dhow Badda Cas, iyagoo sheegay in goobahaas loo aqoonsan doono bartilmaameedyo militari.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta, Mohammed al-Bukhaiti, ayaa sheegay in kooxdu aysan aqbali doonin in Israel ay saldhigyo milatari ama xarumo sirdoon ka sameysato Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo ka soo horjeedda xeebaha Yemen.
Al-Bukhaiti ayaa digniinta ku ballaariyey joogitaan kasta oo Israel ay ka sameysato aagga, isagoo tilmaamay in Xuutiyiintu u arkaan arrintaas khatar si toos ah u taabanaysa ammaanka Yemen iyo guud ahaan gobolka Badda Cas.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay muddooyinkii dambe soo baxayeen warar sheegaya in Israel ay danaynayso inay ballaariso joogitaankeeda milatari iyo sirdoon ee gobolka, gaar ahaan xeebaha Somaliland ee ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdul-Malik al-Houthi ayaa horey u sheegay in joogitaan milatari oo Israel ka samaysato Somaliland loo aqoonsan doono bartilmaameed militari, isagoo ku tilmaamay arrintaas khatar ku wajahan Soomaaliya, Yemen iyo ammaanka gobolka.
Digniinta cusub ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in loollanka ka socda Bariga Dhexe uu si toos ah ugu soo fido Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya oo ku dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.









