LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dhul boob ka socda Degmada Kaxda iyo shacabka oo loo adeegsanayo rasaas

Wararka laga helayo degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadeen dad bannaanbax ka dhigayay qorshe la sheegay in lagu barakicinayo shacabka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta ay bilaabatay kaddib markii shacabka ay isugu soo baxeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen barakicin qasab ah oo lagu hayo dadka deegaanka.

Dowladda federaalka ayay wararku sheegayaan inay dooneyso inay qaadato dhulka laga barakicinayo dadka shacabka iyadoo xog hoose oo ay heshay Banaadir24 Online, sheegeyso in dhulka laga barakicinayo dadka ay goor sii goreysay dowladda ka iibsatay rag la sheegay inay ganacsato yihiin.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay rasaasta, iyadoo xaaladda degmada Kaxda ay weli tahay mid kacsan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda.

Howlgalka dhul boobka ayaa u muuqda mid si xowli ah ku socdo wuxuuna ku fidayaa deegaano hor leh oo aysan horey uga dhicin dhul boob iyadoo dowldda ay kordhisay barakicinta iyo dhul boobka ay ku heyso dad danyarta oo si xoog ah looga qaadanayo dhulkooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *