Dagaallada Shabeellaha Dhexe Oo Galaafay Tobaneeyo Ruux

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, kadib saddex maalmood oo dagaallo beeleed culus ka socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah iyo mas’uuliyiin.
Dagaalladii ugu dambeeyay ayaa shalay dib uga qarxay deegaanka Galcad oo u dhow Ceelbaraf, halkaas oo ugu yaraan 10 qof lagu dilay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka laga helayo goobaha colaadda ayaa sheegaya in xaaladdu weli aad u kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay wadaan abaabul ciidan, isla markaana gurmadyo laga soo dirayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, arrintaas oo sare u qaadaysa cabsi laga qabo in dagaalku sii fido.
Colaaddan ayaa sidoo kale sababtay in boqolaal qoys ay ka barakacaan guryahooda, iyagoo u baxsanaya goobo ammaan ah, taasoo sii xumeynaysa xaaladda bani’aadantinimo ee deegaanka.
Deegaannada Galcad iyo Ceelbaraf ayaa muddo dheer marti u ahaa dagaallo beeleed soo noqnoqda, kuwaas oo inta badan salka ku haya muranno la xiriira daaqa, biyaha iyo aanooyin hore, inkastoo dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaal dhaqameed iyo dowladda ay marar badan dhaceen.









