Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    9 October 2026

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Daawo Sawirrada: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirweynaha 3aad ee…
    LATEST NEWS

    Daawo Sawirrada: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirweynaha 3aad ee…

    Banaadir24By Banaadir249 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

    Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay horumarka dhaqaale, bulsho iyo amniga dalka, waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta waxbarashada, xirfadda macallimiinta iyo Manhajka guud ee dalka, si loo helo nidaam tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee tacliinta.

    “Xukuumadda DanQaran wax ay hirgalisay tababbarro joogto ah oo la siinayo barayaasha dalka iyo nidaamyo lagu qiimeynayo tayada macallinka, si loo helo barayaal ku hubaysan aqoon, karti iyo anshaxa waxbarasho ee dalka, waxaannu xoojinay mideynta manhajka waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa tacliinta sare, si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, isku dheelli tiran, una dhiganta heerarka caalamiga ah. Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga go’antahay dhismaha nidaam waxbarasho oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Qaranka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

    Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay shuruuc, siyaasado iyo habraacyo muhiim u ah waxbrashada sida Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada iyo Istaraatiijiyadda horumarinta waxbarashada, kuwaas oo saldhig u ah baahida tacliinta, tayeynta iyo xoojinta nidaamka maamulka waxbarashada.

    Shirweynaha waxa uu si buuxda ula jaanqaadayaa qorshayaasha istaraatjiyadeed ee ay ka mid yihin Qorshaha Istarsatijiga Waxbarashada (ESSP 2022-2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) lyo Aragtida Qarni Jirka 2060 (Vision 2060), kuwaas oo dhammaantood u aqoonsan waxbarashada in ay tahay tiirka horumarinta karaanka aadanaha, nabad-dhiska, dowlad-wanaagga iyo kobac dhaqaale oo waara.

    Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay sannadkan (Hiigsi Toosan iyo Horumar Tayeysan), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii sannadkii hore, dib-u-eegista dhexe ee heshiiska iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb muhiim ah ka ah maalgalinta Hey’adaha Iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo isla-xisaabtanka dowladda iyo bah-wadaagta waxbarashada.

    Ugu dmabayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mhadceliyay madaxdii kasoo qayb-gashay Shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Nabiil Maxamed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah bahda waxbarashada.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleXildhibaano uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga joojiyay Kulamada labada Aqal
    Next Article Xildhibaannada mucaaradka oo ku dhawaaqay inay Guddoomiye cusub dooran doonaan
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    9 October 2026

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    By Banaadir249 October 20260

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    • Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo
    • Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees
    • Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan
    • Ciidamada Jubbaland oo gudaha u galay Beledxaawo, gacan-ku-haynta magaalada oo…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d