LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Daawo Sawirrada: Maxaabiis Laga Qabtay Ciidankii Laftagareen Oo La Soo Bandhigay

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay tiro maxaabiis ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada.

Maxaabiista ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamadii taabacsanaa Cabdicasiis Laftagareen ee dagaalka kula galay ciidamada dowladda magaalada Baydhabo.

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujinaya maxaabiista oo gacanta lagu hayo, iyadoo wararka laga helayo goobta ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday lagu qabtay dagaalka.

Ilaa hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee maxaabiista iyo khasaaraha guud ee labada dhinac, waxaana weli xaaladda Baydhabo ka taagan xiisad amni iyo mid siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *