Ciidanka Xoogga Dalka oo war kasoo saaray dagaalkii Baydhabo

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saaka magaalada Baydhabo ku jabiyey kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday magaalada, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sida Wasaaradda sheegtay, weerarka ayaa ku billowday qaraxyo la doonayay in lagu cabsi geliyo shacabka, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah uga hortagay weerarka, iyagoo jab xooggan gaarsiiyey maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada ay si geesinimo leh uga falceliyeen weerarka, isla markaana ay difaaceen magaalada iyo shacabka ku nool.
Dhanka kale, waxaa socda qiimeyn lagu ogaanayo khasaaraha gaaray kooxihii weerarka soo qaaday. Wasaaraddu waxay sheegtay in faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha la soo bandhigi doono marka qiimeynta la soo gabagabeeyo.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli si dhow loo la socdaa, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii wadaan sugidda amniga magaalada.









