LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Puntland oo galay godadka Daacish iyo 3 maleeshiyaad ah oo la dilay

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga Puntland uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib dagaal culus oo habeenkii Isniintii ka dhacay deegaanka Daboorad ee Togga Curaar, oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari.

War kooban oo ay soo saareen ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay si adag uga hortageen maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish, islamarkaana ay dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, halka xubno kale ay goobta dagaalka ka baxsadeen.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaan weli shaacin khasaaraha guud ee soo gaaray kooxda Daacish, mana aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu dagaalku ku billowday.

Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Puntland ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Cal Miskaad. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Puntland uu ku doonayo inuu ku soo afjaro joogitaanka kooxda ee deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari iyagoo horey dagaal qaraar ugu qaaday maleeshiyaadka halkaas ku dhuumaaleysanaya kana hooyay dagaalka guulo la taaban karo kadib markii ay intabadan kaa saareen dhulkii ay heysteen islamarkaana dileen boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Daacish oo ay ku jireen ajaaniib tiro badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *