LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan fuliyay & Xubin Shabaab ah oo isku soo dhiibay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul. Intii uu howlgalka socday, waxaa ciidamada isku soo dhiibay xubin ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, waxaana uu ka dhacay deegaanka Yaaq-Doomaar. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale burburiyay goobihii bartilmaameedka ahaa.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta iyo xoojinta amniga deegaannada gobolka Baay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *