LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo horleh oo Laftagareen ku biiray & Baydhabo oo wajahaysa xiisad cusub

Xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa yeelatay waji cusub, kadib markii ciidamo horleh oo ka yimid degmada Bardaale ay gaareen duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kaga biireen xoogagga daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ciidamadan cusub ayaa markii ay gaareen goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga Laftagareen waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil taageersan dhiniciisa. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada uu hoggaaminayo Cali Maxamed Salaad.

Imaatinkooda ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo halka uu ku dambeyn karo khilaafka ka dhex jira dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay xuddun u noqotay loollan siyaasadeed oo ay dhinacyadu isku hayaan sharciyadda maamulka iyo kaalinta Dowladda Federaalka.

Ciidamada kasoo baxay Bardaale ayaa sheegay inay ku biireen garabka Laftagareen iyagoo ka cabanaya habka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u maareyneyso arrimaha Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah askarta ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin siyaasadeed, iyagoo sheegay inay kasoo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen maamul iyo ciidamo “Muqdisho laga keenay”.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen in ujeedkoodu yahay waxa ay ugu yeereen “xoreynta Koonfur Galbeed”. Hadalladaas waa mowqifka ciidamada iyo mas’uuliyiinta taageersan Laftagareen, mana jiraan xaqiijin madax-bannaan oo muujineysa sheegashooyinkooda.

Imaatinka ciidamadan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli indhaha si weyn loogu hayo xaaladda Baydhabo iyo suurtagalnimada in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo isku dhac amni, haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin loollanka sii xoogeysanaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *