LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada ka goosanaya dowladda oo sii kordhaya & Sarkaal u goostay ciidanka…

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60-aad, ayaa la sheegay inuu ka goostay cutubkiisa, isagoo ku biiray ciidamada taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Cali Isaaq Ibraahim ayaa la sheegay inuu ka baxay ciidamadii uu ka tirsanaa, kadibna uu ku biiray ciidamada daacadda u ah Laftagareen.

Cali Isaaq ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay walaalka Cabdulle Isaaq, oo ah taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad.

Ka goosashada sarkaalkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka iyo kala qeybsanaanta ciidamada ku sugan Baydhabo, iyadoo magaalada iyo duleedkeedaba ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Baydhabo ayaa 17-kii Agoosto waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo xoogag daacad u ah Laftagareen.

Khilaafka ayaa salka ku haya muranka ka dhashay doorashooyinka Koonfur Galbeed, faragelinta dowladda federaalka iyo cidda leh awoodda sharci ee maamulka gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *