LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda oo jir dilay haweeney uur leh xilli barakicin ay ku hayaan shacabka

Eedeymo culus ayaa ka soo baxaya deegaanka Tookyio ee degmada Yaqshiid, halkaas oo la sheegay in ciidamada dowladda ay ka wadaan howlo lagu barakicinayo qoysas danyar ah oo deegaanka ku noolaa.

Muuqaal la faafinayo baraha bulshada, kaas oo aan anigu arkay, ayaa muujinaya haweeney dhaawacan oo dhiig ka muuqdo afkeeda, iyadoo xaalad cabsi leh ku jirta. Wararka la socda muuqaalka ayaa sheegaya in haweeneydu tahay mid uur leh, isla markaana lagu eedeeyay in ciidamada dowladda ay jirdileen.

Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay dadka isticmaala baraha bulshada, iyadoo su’aalo adag laga keenayo habka loo wajahayo qoysaska rayidka ah ee laga rarayo deegaanka.

QOYSAS MASAAKIIN AH OO GURYAHOODA LAGA SAARAYO

Howlaha barakicinta ayaa lagu soo warramayaa inay saameeyeen qoysas danyar ah oo aan haysan awood dhaqaale ama hoy kale oo ay u guuraan.

Qoysaskaas ayaa wajahaya cabsi iyo hubanti la’aan ku saabsan halka ay degayaan, iyadoo dadka deegaanka ay dowladda ugu baaqayaan inay tixgeliso xaaladda dadka nugul.

Haddii ay xaqiiq noqoto in haweeneyda rayidka ah ee jir dilka loo getstay ay uur leedahay xilli howlgalkaasi socday, waxay noqon doontaa arrin aad u culus oo u baahan baaritaan madax-bannaan iyo isla-xisaabtan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *