LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Cali Guudlaawe oo lagu wado in la gudoonsiiyo kaarka musharaxnimada JSP

Warar siyaasadeed oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, lagu wado inuu noqdo musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in Cali Guudlaawe lagu wado in la guddoonsiiyo kaarka musharraxnimada JSP maanta taasoo ka dhigan in xisbiga uu u aqoonsanayo musharraxiisa u tartamaya hoggaanka Hirshabeelle.

Wararkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo siyaasadeed ka waday Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayay mustaqbalka hoggaanka Hirshabeelle iyo doorashada maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu taageerayo Cali Guudlaawe, isla markaana uu doonayo in mar kale loo doorto hoggaanka Hirshabeelle.

Dabageed ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga soo horjeedo qorshahaas, isagoo sheegay in uu jiray ballan hore oo ku saabsanaa cidda hoggaanka Hirshabeelle qabanaysa.

Haddii Guudlaawe si rasmi ah loogu dhawaaqo musharraxa JSP, arrintan waxay si weyn u saameyn kartaa loollanka siyaasadeed ee ka socda Hirshabeelle, xilli doorashada maamulka ay soo dhowaaneyso.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale muujinaya in taageerada Villa Soomaaliya ee Guudlaawe ay sii xoojinayso tartanka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira siyaasiyiinta Hirshabeelle.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *