LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Qorshaha Xasan Sheekh Ma Hirgeli Doono”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu doonayo inuu hirgeliyo hannaan doorasho oo aan ku dhisnayn tartan iyo hufnaan, balse ku saleysan dano siyaasadeed.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in doorashada uu Xasan Sheekh doonayo ay la mid tahay nidaamkii ka dhacay Baydhabo, isla markaana uu isku dayayo inuu ka hirgeliyo Galmudug, Hirshabeelle iyo Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhammaaday. Wuxuu ku tilmaamay hal-ku-dhigga nidaamkaas inuu yahay “Malxiiskaaga la imow.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuusan ka walwalsanayn in Xasan Sheekh uu xilka ka tagayo, balse uu aad uga walaacsan yahay waxa uu ku tilmaamay dhaawaca uu u geystay dowladnimada, hay’adaha dowladda iyo dhaqanka siyaasadeed ee dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in dhaqanka siyaasadeed ee isbeddelaya uu reebayo raad muddo dheer saameyn ku yeelan kara nidaamka dowladeed, isagoo xusay hadal uu ku tilmaamay mid uu Madaxweynaha horay u sheegay oo ahaa in qofku “subax qof yahay, galab qof kale yahay, fiidkiina qof saddexaad yahay.”

Siyaasigan ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay digniin ku saabsan saameynta fog ee uu sheegay in dhaqanka siyaasadeed ee noocaas ahi ku yeelan karo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *