Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Baardheere oo laga dareemayo xaalad kacsan, Al-Shabaab oo ciidamo kusoo dhoweysay
    LATEST NEWS

    Baardheere oo laga dareemayo xaalad kacsan, Al-Shabaab oo ciidamo kusoo dhoweysay

    Banaadir24By Banaadir2413 September 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu arkay deegaano dhowr ah oo ku hareeraysan magaalada Baardheere, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay magaalada ka wadaan diyaar-garow ciidan.

    Ilo deegaanka iyo kuwa amniga ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda lagu arkay dhulka miyiga ah ee ku dhow Baardheere maalmihii lasoo dhaafay, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo weerar ay kooxda ku qaaddo magaalada.

    Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la geeyay Baardheere, iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso in magaalada laga sameeyo saldhig ciidan oo laga abaabulo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

    Qorshaha ayaa la sheegay inuu yahay in Baardheere loo adeegsado saldhig muhiim ah oo ciidamada dowladda ay ka bilaabaan howlgallo ka dhan ah fariisimaha Al-Shabaab ee ku yaalla qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

    Maalmo ka hor waxaa Baardheere gaaray wafdi saraakiil ciidan ah, waxaana la sheegay in halkaasi ay ka socoto diyaarinta ciidamo cusub oo la qorayo lana tababarayo si ay uga qeyb qaataan gulufka la qorsheynayo.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa dhawaan hoggaaminayay wafdi ciidan oo gaaray magaalada Baardheere, iyadoo booqashadiisa lala xiriirinayo dardar-gelinta qorshayaasha ciidamada dowladda.

    Wararka cusub ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay ciidamadeeda kusoo dhoweyso magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in kooxda ay doonayso inay carqaladeyso diyaar-garowga dowladda ka hor inta uusan bilaaban howlgalka ballaaran.

    Baardheere ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taalla hareeraha webiga Jubba, waxayna isku xirtaa qaybo ka mid ah gobolka Gedo iyo deegaano dhaca dhanka koonfureed ee Soomaaliya.

    Haddii dowladda ay si buuxda ula wareegto gacan ku haynta Baardheere, magaalada waxay noqon kartaa meel muhiim u ah isku dubbaridka iyo sahayda ciidamada ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab ku xooggan tahay.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynaya dhismaha ciidan awood badan
    Next Article Kaarka Guudlaawe oo banaanka soo dhigay halista ku qarsoon go’aanka Xasan Sheekh
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d