Author: Banaadir24 Editor

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, kaas oo warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu ay guulo la taaban karo ka gaareen hawlgalka. Taliyaha ayaa sheegay in la khaarajiyay horjoogayaal muhiim ah oo ku howlanaa farsameynta qaraxyada, kuwaas oo qorsheynayay falal dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo amniga guud ee dalka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in howlgalka lagu burburiyay goobo ay…

Read More

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Hodan, ayaa soo xiray eedeysanayaal lagu magacaabo Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss) iyo Mahad Maxamuud Xamarow oo loo yaqaano ( Garyaqaan ), kuwaas oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha falal la xiriira kicin dadweyne iyo qalqalgelin amni. War rasmi ah oo ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysanaasha la soo qabtay kadib howlgallo amni oo ay fuliyeen ciidamada. Booliisku waxayna xaqiijiyeen in eedeysanayaasha si buuxda loo baarayo, isla markaana loo gudbin doono Maxkamadaha Awoodda u leh si sharciga loo mariyo. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay…

Read More

Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii wadahadalka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo lagu waday in lagu qabto Teendhada Xalane ee magaalada Muqdisho. Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka muujiyay diidmo ku aaddan in shirka lagu qabto halkaas. Wararka laga helayo ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu aaminsan yahay in Teendhada Xalane aysan ahayn goob ku habboon oo muujinaysa madaxbannaanida dowladda, maadaama ay tahay xarun ay si weyn u maamulaan hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo saaxiibada amniga. Madaxweynaha ayaa la sheegay…

Read More

Duqeyn dhanka cirka ah oo si weyn loo dareemay ayaa ka dhacday deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas ku lahaa shir qarsoodi ah. Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha sirdoonka. Xilliga la beegsanayay, xubnaha Al-Shabaab ayaa ku jiray kulan gaar ah, taasoo muujinaysa in la helay xog sirdoon oo sax ah. Duqeynta ayaa la sheegay inay gaarsiisay khasaare culus Al-Shabaab, inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah wali la sugayo. Tani waa hawlgalkii…

Read More

Xukuumadda Masar ayaa si lama filaan ah u joojisay in dadka wata Baasaboorka Soomaaliyeed ay dalkaasi soo galaan, ilaa ay ka helaan Viza “Sticker” ah oo si gaar ah loogu dhajiyo baasaboorka. Go’aankan ayaa lagu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha ka howl gala Soomaaliya, kadib markii dowladda Masar ay farriimo rasmi ah oo Email ah u dirtay, kuwaas oo si cad ugu amraya in aan la soo qaadin qof wata Baasaboorka Soomaaliyeed haddii uusan haysan Viza nooca “Sticker” ah. Horay, muwaadiniinta Soomaaliyeed qaarkood waxay Masar ku geli jireen: E-visa Ama warqad oggolaansho (approval letter) Laakiin hadda, Masar waxay ku adkeysaneysaa in qof…

Read More

Ugu yaraan 12 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo kala-bar ay carruur yihiin, ayaa lagu dilay duqayn culus oo ay ciidanka Israa’iil tan iyo waaberigii maanta ka wadeen Marinka Qasa, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee maamulka Qasa. Maamulka Qasa ayaa u sheegay Al-Jazeera in weerarradan ay qayb ka yihiin duqaymo joogto ah oo tan iyo billowgii bishii Oktoobar ka socday Qasa, xilli ay weli jirto xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyey Mareykanka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ugu yaraan 524 Falastiiniyiin ah ay dileen ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu dhaqan-galay heshiiska xabbad-joojinta, taasoo muujinaysa in rabshaduhu aysan weli istaagin inkastoo la isku…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas u tagey inay ka qeybgalaan daah-furka mashaariic horumarineed. Labada hoggaamiye waxaa loo sameeyay soo dhaweyn diirran oo maamuus leh, taasoo ka tarjumaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee dhow ee ka dhexeeya saddexda dal ee dariska ah. Booqashadan ayaa muujinaysa wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimo wadajir ah sida nabadda, amniga, isdhexgalka dhaqaale iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika.

Read More

Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda Soomaaliya u soo dirto saraakiil ciidan oo qubaro ah, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona arrimo la xiriira amniga iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in qubaradan ay si gaar ah uga shaqeyn doonaan dhismaha, dib-u-habaynta iyo tababarka ciidamada qaranka, si loo xoojiyo awoodda difaac ee dalka iyo la-dagaallanka kooxaha khatarta ku ah amniga Soomaaliya. Saraakiishan ka imaanaya Turkiga ayaa la filayaa in ay: Kor u qaadaan tayada tababarka ciidanka. La shaqeeyaan hoggaanka militariga Soomaaliyeed. Ka qeyb qaataan hirgelinta qorshayaal cusub oo…

Read More

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliyeed loo magacaabi rabo Generaal Biixi, kaas oo hore xilkan u soo qabtay, waxaana lagu bedelayaa Janeraal Sahal Cabdullaahi oo hadda ah Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Generaal Biixi ayaa lagu xusuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dib-u-habaynta, abaabulka iyo howlgelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed markii uu ahaa taliyaha Ciidanka dhulka, xilli ay jireen caqabado dhanka amniga iyo maamulka ciidanka ah. Ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka milatari, lana doonayo in kor loogu qaado tayada hawlgalka ciidanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha…

Read More

Xaafadaha ku teedsan Macallin Nuur ilaa Ex-Control Afgooye ee degmada Dharkenley ayaa saaka lagu xiray dhagxaan waaweyn, taasoo sababtay in gebi ahaanba la joojiyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Dadkii deegaanka ayaa ku qasbanaaday inay ku dhex lugeeyaan xaafadaha, iyada oo aan jirin waddo kale oo ay maraan. Dhowaan ayay dowladda ka qaaday dhagxaan horay ugu xirnaa qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, balse hadda waxaa mar kale la xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaalla jidcadyaasha Degmooyinka Dharkenley iyo Dayniile. Illaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo sharaxaya sababta tallaabadan, taasoo keentay su’aalo iyo…

Read More