Author: Banaadir24 Editor

Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa labo ruux ku dishay, mid kalena ku dhaawacday, kaddib weerar ka dhacay aagga deegaanka Warxoolo ee gobolka Galgaduud. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dilkan loo sababeynayo aanooyin qabiil oo salka ku haya muran dhuleed, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Galmudug. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo cabsi laga qabo in rabshaduhu sii fidaan, maadaama ay labada dhinac ee colaaddu ka dhaxeysu hubeysan yihiin. Ilaa hadda, laamaha amniga iyo madaxda Galmudug kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ama kan…

Read More

Kulankii wadajirka ahaa ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta ku soo dhammaaday buuq iyo gacan ka hadal, kaddib markii xildhibaano ka tirsan mucaaradka labada Aqal ay fureen buuq xooggan, taasoo keentay in uu dhex maro gacan ka hadal u dhexeeya xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan Booliska. Intii ay xaaladdu taagnayd, waxaa dhaawac soo gaaray Xildhibaan Cadar Xareed, kaasoo sida la xaqiijiyay loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo markii dambe soo galay gudaha Xarunta Villa Hargeysa, ayaa diiday in warbaahinta gudaha la geliyo hoolka, taasoo sii kicisay xiisadda.…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta ciidanka. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaacu uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay…

Read More

Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga saaray ciidamadii booliska ee halkaas loo keenay, kaddib markii ay gacan ka hadal la galeen qaar ka mid ah xildhibaannada, taasoo sababtay dhaawac soo gaaray Xildhibaan Cadar. Wararka laga helayo gudaha xarunta ayaa sheegaya in ciidamadu ay u joogeen hoolka si ay u kala xakameeyaan buuq iyo khilaaf ka dhex taagnaa xubnaha Baarlamaanka, balse xaaladdu ay faraha ka baxday, taasoo keentay in gacan ka hadal kooban uu dhex maro labada dhinac. Intii ay socotay qalalaasahaas, Xildhibaan Cadar ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray lugta, waxaana si degdeg ah loogu…

Read More

Waxaa maanta buuq xooggan iyo gacan ka hadal kooban uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay doonayeen in ay ku shiraan qaar kamid ah xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ay durba buuq ka billaabeen gudaha hoolka shirarka, iyaga oo diidan furitaanka kulanka labada Aqal ee la doonayo in looga doodo waxka bedelka curubto kamid ah dastuurka, balse ay wajahaan ciidamo boolis ah oo aad u fara badan oo dowladda geysay halkaasi. Intii ay xaaladdu kacsaneyd ayaa gacan ka hadal kooban uu dhexmaray qaar kamid…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku wadaan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka oo lagu eedeeyay inay dadka ku aflagaadeeyaan baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in talisku si dhab ah ula tacaalayo arrintan, islamarkaana aan la aqbali doonin in askar Booliis ah ay ku xadgudbaan anshaxa iyo sharciga. “Waxaan wadnaa baaritaan ku saabsan saraakiil iyo askar lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku aflagaadeeyaan muwaadiniinta. Cid kasta oo lagu helo arrintan tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in…

Read More

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa baahisay in wadahadallo rasmi ah ay ka socdaan magaalada Islamabad, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Pakistan, kuwaas oo ku saabsan suurtagalnimada in Soomaaliya ay hesho diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder. Wararka la helayo ayaa sheegaya in wafdi sare oo ka socda DFS, oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, uu haatan ku sugan yahay Islamabad, halkaas oo ay kulammo la leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca Pakistan iyo shirkadaha soo saara diyaaradaha militariga. Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid la xiriira dadaallada ay DFS ku doonayso in…

Read More

Waxaa maanta lagu wadaa in Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal ay yeeshaan fadhi xasaasi ah oo lagu falanqeynayo cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG ah, kaddib qalalaase xooggan oo ka dhashay kulan toddobaadkii hore. Fadhigii hore ayaa ku dhammaaday muran iyo gacan ka hadal dhex maray xubno ka tirsan labada Aqal, taasoo sababtay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ay soo saaraan go’aan adag. Go’aankaas oo shalay kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu hakiyay ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka xubno ka tirsan labada Aqal, kuwaas oo lagu…

Read More

Waxaa sii xoogeysanaya dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safiirrada iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho. Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in wakiillada caalamiga ah ay la xiriireen madaxda dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyagoo ka codsaday in ay ka fogaadaan go’aanno diidmo ah oo carqaladeyn kara shirka la qorsheynayo in lagu dhameeyo khilaafka. Sidoo kale, diblomaasiyiinta ayaa wadahadallo gaar ah la yeeshay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh…

Read More

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir wadatashi ah oo lagu raadinayo xal rasmi ah oo lagu dhammeeyo khilaafka siyaasadeed ee jira. Amb. Swan ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay fududeyso safarka iyo ammaanka madaxda labada maamul, si ay u helaan fursad buuxda oo ay kaga qeyb qaataan wada-hadallada la qorsheeyay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida dalka, isla markaana lagu doonayo in la…

Read More